Madaxweyne Muuse Biixi oo soo dhoweeyay xilka loo magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed

Published: April 3, 2023

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadalay magacaabista Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi magacaabistan ayaa ku tilmaamay mid muhiim ah maadaama uu Cabdikariin Xuseen Guuleed uu yahay waaya-arag aqoon u leh howsha uu igmaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay in dib loo billaabo wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland si loo ambaqaado qodobada muhiimka ah ee wadaxaajoodka u baahan.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa horyaalla qodobo dhowr ah oo ay lafdhabar u yihiin dib usoo celinta wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland, isagoo bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah la qaato xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Horseed Media