Madaxweyne Qoor-qoor oo galabta gaaray caasimadda Muqdisho

Published: May 13, 2024

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka madasha wadatashiga qaran.

Axmed Qoor-qoor iyo wafdigiisa waxaa garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho kusoo dhoweeyey wafdi heer federaal ah oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Shirka madasha wadatashiga qaran oo dhowr mar oo hore baaqday ayaa hadda lagu wadaa inuu furmo, waxaana qodobada lagu lafaguri doono kamid ah wax ka bedelkii dastuurka kumeelgaarka ee dalka.

Horseed Media