Madaxweyne Qoor-qoor Oo Hambalyo U Diray Xulka Galmudug

Published: January 29, 2024

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo galabta ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo garoonka Muqdisho Stadium lagu soo gabagabeeyey galabta.

Qoraal kooban uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa.”

Sidoo kale qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayuu ku soo gabagabeeyey, “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka hadlay arrimaha ciyaaraha dalka ayaa sheegay sanadka soo socda inay codsanayaan martigelinta tartanka dowlad goboleedyadda.

Xulka Galmudug ayaa galabta guul ka gaaray dhiggiisa Hirshabeelle ciyaar la isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Horseed Media