Madaxweyne Siciid Deni, oo tababar u furay Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland

Published: December 3, 2022
Shares46

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u furay Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Ururkan cusub ayaa tababarka looga furay Kulliyada tababarada Ciidanka Asluubta ee Gen. Cali Nuur ee maagalada Garowe.

Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan casharada, tababarka iyo xirfada aqooneed ee la siinayo.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Dowladdiisu ay muhiimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidanka noocyadiisa kala duwan.