Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefonka kula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna madaxa arrimaha siyaasadda iyo amniga Josep Borrell, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha “uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.”
Dhinaca kale, Josep Borrell ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta X ku sheegay in uu madaxweyne Xasan Sheekh u xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub u hayo marxaladda kala guurka amni ee Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira.
“Waxaan isla garanay baahida loo qabo in laga fogaado xiisadaha gobolka iyadoo lala dagaallamayo argagixisada lana ilaalinayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka ku sugan magaalada Beijing ee caasiamdda Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo shir madaxedka Shiinaha iyo Afrika.
Horseed Media