Madaxweyne Xasan oo culimada ugu baaqabay inay sheegaan waxa ay diinta ka qabto Al-shabaab

Published: January 23, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga baahanyahay in shacabka ay u sheegaan waxa ay diinta Islaamku ka qabto fikirka iyo dhaqanka Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka culimada Soomaaliyeed ayaa markii uu hadalkaan jeedinayay waxaa garab taagnaa wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Xasan Sheekh ayaa culimada ku booriyay in si mideysan loogu bayaaniyo shacabka halka diintu ay ka taagantahay Al-shabaab, maadama diintu ay tahay halka laga toosin karo dadka.

Wuxuu intaa ku daray in hadda la isku raacsanyahay in Shabaab ay dhib ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Shirkan culimada ee Muqdisho ka furmay ayaa imaanaya xilli dowladda iyo shacabka deegaannada qaar ay wadaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo soo bilowday qaybihii dambe ee sanadkii la soo dhaafay.

Horseed Media