Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sida uu ku bilawday howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Published: January 27, 2023
Shares12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay hanaanka uu ku bilawday howlgalada Militari ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu bilaabanayay aysan la dhalacsanen inta badan dadka Soomaaliyeed iyo Caalamka, hayeeshee howlgalka lagu qancay markii Al-shabaab laga saaray deegaano badan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid loo dhabar adeegay oo ay fuliyeen Soomaali kaligeed, taasi oo dhadhan la taaban karo u sii yeeshay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed dhiiranaantooda ay horseeday in Al-shabaab laga qabsado inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolada dalka, isagoona ku baaqay in la kordhiyo shirarka la isugu keenayo bulshada qeybaheeda kala duwan si la isaga kaashado horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka jeediyay Xalay casha sharaf uu u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee shalay galinkii dambe Muqdisho ugu soo gabagaboobay shirweyne halkaasi ay ku lahayeen sadax maalmood ee lasoo dhaafay.

Horseed Media