Madaxweyne Xasan oo sheegay in wajiga 2aad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo KGS

Published: January 22, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed faray in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Horseed Media