Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo sabti ah hortegey kulan ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo sabti ah hortegey kulan ay u dhan yihiin labada Aaqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka,waxaana uu u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo deris ah kuwaas oo ay ka dhexeyso taariikh mugdi badan oo aan nabad ku dhisneyn oo la soo marey, Madaxweynaha ayaa sheegay in taariikhdii xumeyd ay rajo wanaagsan isu soo beddeleysey waayadii danbe laakiin rajadii wanaagsaneyd ay hadda mugdi gashey, kadib markii Itoobiya ay ku dhaqaaqdey in ay kala dhantaasho midnimada iyo madax-banaanida qaranka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku soo qaatey in Itoobiya ay haysato dhul Soomaaliyeed kaas oo gumeystuhu siiyey, laakiin ay hadda dooneyso mid kale oo kamid ah xuduudaha Soomaaliyeed.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka hadley heshiisyada ay la galeen Masar iyo Turkiga eeiskaashiga difaaca waxaana uu yiri.
Cidkasta oo nagu taageereysa difaaca qaranimadayada waa la kaashanaynaa, damaca Itoobiya kuma guuleysan doonto si kasta oo ay isugu daydo, heshiisyada aan galney waxba uma dhimayaan amniga Geeska Afrika ee waxaa amniga wax u dhimaya Itoobiya ee aan ixtiraam u hayn sharciyada caalamiga ah ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu danbeyn ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Itoobiya baaq u direy waxaana uu yiri.
Itoobiya iskuma hesho in ay ahaato xaruntii midowga Afrika iyo in ku tumado cahdigii lagu dhisey Midowga Afrika ee ilaalinta iyo ixtiraamka xuduudaha qaranimo ee dal lee yahay.
Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sidaan oo kale khudbad u jeediyey baarlamaankiisa maalintii Khamiista waxaana uu sheegay in doonitaanka Itoobiya ee helidda marin biyoodka badda cas uu yahay mid aan leexleexad lahayn ayna ku gaari doonaan si nabad ah.
HORSEED MEDIA