Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo wada hadlay

Published: June 1, 2024

Dowladda Mareykanka ayaa u ololeyneysa in la sii wado xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka kadib wada hadal dhex maray xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Blinken iyo Maxamuud ay ka wadahadleen “sii wadista” howlgalka Qaramada Midoobay intii uu socday wadahalkooda, isagoo soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeeyo xafiiska inkastoo Soomaaliya ay dhawaan codsatay in la joojiyo.

Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM). Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku jawaabay inuu si ku meel gaar ah u magacaabay Diblomaasi Mareykan ah ee ruug-caddaa James Swan inuu noqdo ergaygiisa Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Arrimaha dibadda ee Maraykanka waxaa lagu sheegay in Blinken uu ku nuuxnuuxsaday “baahida loo qabo in la dhimo xiisadaha gobolka ka taagan” isaga oo faahfaahin aan ka bixin.

Wadahadalka Blinken iyo Maxamuud ayaa sidoo kale lagu soo qaaday qorshaha ka dambeeya 2024-ka markaas oo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan ATMIS, uu mas’uuliyadda amniga ku wareejin doono ciidamada Soomaaliya, xilli dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

HORSEED MEDIA