Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaqaale u raadinaaya dhulka al-Shabaab laga saari doono

Published: August 12, 2023
Shares18

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Madaxweyne Xasan iyo Catriona Laing ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga saarey al-Shabaab iyo kuwa hadda laga saarayo iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa maamulka al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay warbixin ku aadan howlgalada ka dhanka ah argagixisada, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Catriona Laing Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa ku bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay nabadeynta dalka waxa hoosta ka xariiqdey in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa xasilinta dalka iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu.

Hay’adaha qaramada Midoobey ayaa diidan in ay deeganaadaas ka fuliyaan wax ka baxsan arrimaha bini’aadanimada, halka dowladda federaalku ay dooneyso in lagala qaybqaato dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada laga saaro al-Shabaab.

Horseed Media