Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo

Published: March 7, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Al-shabaab lagu cirib tirayo.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku boggaadiyay mudnaanta gaarka ah ee uu siiyay howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

Horseed Media