Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Talyaaniga kala hadlay iskaashiga dhinaca amniga

Published: February 2, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay Al-shabaab ku sugnaayeeen.

Sidoo kale Madaxweynaha  ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada.

Horseed Media