Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah Jubbaland

Published: March 1, 2023
Shares2

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago Magaalada Kismaayo Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Ujeedka safarka Madaxweye Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu yahay si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka Al-shabaab ee deegaanada Jubbaland.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose si ay uga shaqeeyaan soo dhaweynta loogu sameynayo Magaaladaas.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Jubbaland uu ku tegayo tan iyo markii dib xilka loogu doortay 15kii May 2022.

Horseed Media