Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay madaxda Ururka Midowga Afrika

Published: February 19, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Adis- Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula yeeshay madaxda ka qeyb gashay shir madaxeedka meertada 36aad ee Ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedco barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay Madaxweynayaasha Rwanda, Itoobiya, Burundi, Tanzaaniya iyo Kenya.

Madaxweynayaasha ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan dalalka geeska.

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo shir madaxeedka meertada 36aad ee Ururka Midowga Afrika oo loogu talagalay in uu socdo 18ka illaa 19ka Febaraayo 2023.

Horseed Media