Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii saddexaad booqasho ku tegay dalka Eritrea

Published: March 13, 2023

Wafdi uu Hoggaaninayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha waddankaasi Isaias Afwerki.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto laba cisha ah ayaa ka dambeysay kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Eritrea ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah.

Waa markii saddexaad oo Xasan Sheekh tago dalkan muddo 10–bilood uu xukunka joogo, tan iyo markii dib loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed Media