Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxda Jabuuti, Kenya & Itoobiya

Published: February 1, 2023
Shares22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho uu ku soo dhaweeyey Madaxweynayqasha Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo William Ruto oo ka qeyb galaya shirka Soomaaliya iyo Dalalka Safka Hore.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacaya shir ay wada qaadanayaan hoggaamiyeyaasha ay dalka Soomaaliya ka joogaan ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa dabar-goynta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Horseed Media