Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay inuu diyaar u yahay in uu wada hadal la galo Al-shabaab

Published: March 7, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera ee Dalka Qatar laga leeyahay, ayaa ka hadlay ka dowlad ahaan sida ay u arkaan inay wada hadal la yeeshaan Al-shabaab. 

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ururka Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ku xiray shuruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudahaas oo uusan ku sheegin wareysiga uu bixiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xusay in dadka u dagaalama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.

Horseed Media