Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wadahadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta”

Published: July 7, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku ciliyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, wax ka dhaxeeyana aysan jirin.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan in warkaa uu yahay mid been abuur ah, dadka Soomaaliyeed ayuuna faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay in uu jiro qorshe ku aaddan wada hadallo lala furo khawaarijta, taas oo uu Madaxweynuhu ku sheegay wax aan jirin oo aan sal iyo raad lahayn, isag oo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadlaan khawaarijta.

Horseed Media