Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweyne 2012 ilaa 2016, hadda ka hor. Markii madaxweyne Xasan la doortay dastuurkii Soomaaliya lama dhameystirin, waxaana dowladda Soomaaliya ay weli ku jirtay ku meel gaar oo ku dhisan nidaamka 4.5, kaasoo dhammaan go’aamadii waaweynaa la isla gartay in ay tahay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay isku raacaan.
Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaas loo doortay inay dhameystirto dastuurka KMG ah iyo in dalka loo diyaariyo hal qof iyo cod. Dhawr bilood oo uu maamulkiisu jiray, dawladda Madaxweyne Xasan waxa ay beesha caalamku u aqoonsatay dawladdii ugu horreysay ee Soomaaliya oo sharci ah tan iyo ilaa 1991. Aqoonsigaas awgeed, wax badan ayaa isbeddelay.
Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ayaa isku qanciyay in maadaama dowladdan ay aqoonsan tahay beesha caalamka, in aan loo baahnayn in go’aan dambe lagu gaaro is-afgarad ay gaaraan dhammaan dhinacyada ay khuseyso, madaxweynuhuna uu go’aan kasta ka gaari karo sida uu u arko isaga.
Taasi waxay ahayd khaladkii ugu weynaa ee uu madaxweynuhu Xasan iyo kooxdiisu ay sameeyeen muddadii hore ee uu xilka madaxtinimo qabtay. Isla markiiba waxa ay bilaabeen in ay Muqdisho ka dhisaan dawlad dhexe oo xooggan.
Madaxweynaha iyo Kooxdu waxay sameysteen maamul goboleedyo aysan dadka degaanka soo xulin, waxayna iska indha tireen in maamulka gobolka laga qeyb geliyo dhammaan go’aannada ugu waaweyn, waxayna u dhaqmeen sidii in madaxweynaha lagu doortay hal qof iyo cod iyo dastuur dhameystiran oo ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Si kastaba ha ahaatee, muddo laba sano iyo badh gudahood ah oo uu madaxweynuhu xilka hayay kadib, waxa uu garowsaday in xukuumaddiisu ay ku sii socoto gebogebo, isla markaana uu ubaahan yahay in la tashiga la badiyo.
Sababtaas awgeed, Madaxweyne Xasan waxa uu go’aansaday in la dhiso gole ka kooban dhammaan madaxda maamul goboleedyada si ay go’aan uga gaadhaan nooca doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed qaban karaan muddada sannadka iyo badhka ah ee u hadhay xukuumaddiisa. Waxaa lagu heshiiyey in la qabto doorasho kale oo ku saleysan isla nidaamka 4.5 iyadoo xoogaa horumar ah lagu sameeyey.
Inkastoo Madaxweyne Xasan uu si weyn ugu ololeeyay doorashadaas isagoo ku andacoonaya in Hawsha (qabyo) uu dhameystiri karo ninkii bilaabay, ma uusan ku guuleysan doorashada.
Madaxweyne Faramaajo ayaana la doortay Feb 8, 2017. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u haystay inuu khaladaadkiisa wax ka bartay, markii uu u ololaynayey in mar labaad loo doorto inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya 2022.
Dadku waxay aaminsanaayeen mar haddii uu wax ka bedelay mawqifkiisii ku aadanaa dowladda Federaalka sanadkii iyo barkii u dambeeyay maamulkiisii iyo sidoo kale markii uu arkay Madaxweyne Faramaajo oo shantii sano ee u dambeysay isna sameeyay qaladaad lamid ah kuwii uu sameeyay, Madaxweyne Xasan ayaa la islahaa khibradahaas wax buu ka bartay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la yimid hal-ku-dheg cusub oo ololihiisa uu ku doonayo in uu ku arko Soomaalida oo heshiis ah dhexdeeda, beesha caalamkana heshiis la ah.
Halku-dheggaasi wuxuu u taagan yahay waxa ay dadka Soomaaliyeed maanta u baahan yihiin oo ahaa dib u heshiisiin. Taas awgeed, dad badan ayaa filayey in madaxweyne Xasan uu markan wax-qabad kiisa ka wanaagsanaan doono. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan ayaa mar kale samaynaya khalad la mid ah kii u horey usameryey oo ah kalidalisnimo. Xiligii ololaha madaxweynuhu waxa uu ka mid ahaa golaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.
Golaha iyo labada maamul goboleed ee kale oo ah Jubbaland iyo Puntland hogaangooda waxaa ka go’neyd in si nabad ah lagu bedelo madaxweyne Faramaajo. Ujeedku wuxuu ahaa in mar haddii la bedelo madaxweyne Faramaajo, qofkii ku guulaysta tartanka uu abuuri doono dowlad dib u heshiisiin qaran ku salaydan.
Madaxweyne Xasan markii uu guuleystay, dadka intooda badan waxay u qaadanayeen in uu Soomaaliya ku hoggaamin doono isaga oo raacaya hal-kudhiggiisii ahaa in Soomaaliya oo nabad ah dhexdeeda, nabadna la ah beesha caalamka.
Isla markii la doortay madaxweyne Xasan waxa uu ilaaway dhammaan wixii uu soo maray wuxuuna u dhaqmay si ka duwan sidii laga filayey. Halkii uu dadka Soomaaliyeed heshiisiin lahaa, waxa uu bilaabay socdaallo uu ku tagayo toddoba waddan 66-tii maalmood ee ugu horreysay ee uu xafiiska joogay.
Madaxweyne Xasan ayaa Xamza Cabdi Barre u magacaabay ra’iisul wasaare isagoon cid kale kala tashan. Wuxuu iska indha tiray dhamaan madaxda maamul goboleedyada, wuxuuna magacaabay wasiiro ka soo jeeda goboladaas, kuwaas oo uusan kala tashan. Kooxda kaliya ee la sheegay inuu la tashaday waxay ahayd xisbigiisa.
Dadka siyaasadda wax falanqeeya ayaa intooda badan saadaalinayaa in madaxweyne Xasan uu mar kale garwaaqsan doono inuusan horey u socon karin haddii aysan ka qeybgalin dala dalka dhammaan dhinacyada kale ee ay khuseyso labo sano iyo bar kadib siddii ku dhactay xiligii uu horey u ahaa madaxweynaha. Sidaa darteedna, ay haboon tahay Madaxweyne Xassan in uusan waqtiga ka dhumin dadka somaliyeed xiligaan.
Madaxweyne Xasan weli fursad buu haystaa. Wuxuu u baahan yahay inuu eego khaladaadkii uu galay markii ugu dambeysay ee uu madaxweynaha ahaa iyo wixii uu soo maray madaxweyne Faramaajo shantii sano oo u danbeysay oo u isku dayey inuu kaligii taliyo.
Waxaa loo baahan yahay in uu garwaaqsado in Soomaaliya ay mareyso sidii loo heli lahaa dowlad ku dhisan Dastuurka oo ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Inta taa laga gaarayo, dhammaan go’aamada waaweyn waxay u baahan yihiin in dhammaan lagu heshiiyo. Isagoo og xaqiiqadaas, madaxweynuhu wuxuu u baahan yahay inuu raaco hal-ku-dheggiisa oo u noqonaya khariidad waddo.
Madaxweynuha waxa haboon in uu marka hore arko Soomaaliya oo nabad ah dhexdooda. Marka taas la helo, ka dibna in diiradda saaro sidii loo heli lahaa Soomaalida oo heshiis la ah beesha caalamka. Dowlada somaliyeed maanta waa dowlada ku dhisan dib u heshiisiin ilaa inta laga helayo madaxweyne lagu soo doortay hal qof iyo hal cod.
Qore: Mohamed A. Hussein
Atlanta Georgia, USA.
Qoraaga ayey u gaartey aragtidaan, sinaba looguma qaadan karo daabacadda Horseed Media