Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Saxiixay Heshiiska Ku Biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Published: December 15, 2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Maanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan,

Mahadnaq gaar ah ayaan u jeedinayayna dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah iyo xoghayaha dallada bulshada bariga Afrika ee garab istaga iyo dhiirigalintooda inoo muujiyay,hadafkeenu waa cadyahay waa in aynu xoojino xiriirkeena kana qayb qaadano barwaaqada la hiigsanayo islaa markaana aan kaalin mug leh ku yeelano qaabaynta bustaqabalka soo ifaya,

Xubin nimadaydu ma ahaan mid ku timid xilligeeda oo kaliyahay ee sidoo kale waa mid kor u qaadaysa maalgashiga ururka,

Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka,

Horumarka dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab ee looga xoreyay deegaanno baaxad leh iyo guulihii aynu ka gaarnay xiriirka caalamiga ah ayaa muujinaya ka, go’naashiyaheena,

Talaabooyinka dhanka horumarka leh ee aan u qaadnay waxaa ka mid ah qaadista cunuqabteenka hubka ee qaramada midoobay iyo dhameystirka hanaanka dayn cafinta,

Cafinta daynta ayaa marag u ah sida ay nooga go’aan tahay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’aadah dowladda inagoo abuureynah illo dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta dalka,  si wada jir ah aan u dhisno dhaxal midnimo iyo wax wada qabsi kaasi oo ku saleysan hadaf iyo arigtii wada wadaag”.

Ugu danbeytiina madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mahadnaq usoo jeedayay dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabada tariikhiga ahayd sida ay ugu muujiyeen taageero iyo garab istaag dowladda Soomaaliya isagoo ku soo gabagabeeyay khadbadiisi u ka Jeediyay shirka (EAC) mahadcelin ballaaran oo u jeediyay bahada ku midoowday ururka.

Horseed Media