Madaxweynihii hore ee KGS Shariif Xasan oo si adag uga hadlay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Published: December 23, 2022
Shares8

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si adag uga hadlay dagaalka saaka ka qarxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku eedeeyay in caburintii dadka reer Koonfur Galbeed ku hayay uu maanta ku daray inuu dadkii laayo, sida uu yiri.

Shariif Xasan iyo xubno kale oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in Madaxweynaha lagula xisaabtamo dadka uu sheegay inuu laynayo.

Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ugu baaqay “Gefka la sameynayo in wax laga dhahaa la rabaa.

Horseed Media