Mahdi Guuleed Oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde – VIDEO

Published: September 21, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaraha dowlad federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer ku tagey garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cabdulle Cismaan.

Waxaa kormeerka ku wehliyey masuuliyiin uu kamid yahay siihayaha wasiirka duulista hawada dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Oomaar, madaxda shirkada garoonka maamusha ee Favori iyo masuuliyiin kale.

Siihayaha wasiirka duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo lagu ballaarinayo garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan”

Wasiir Oomaar

Maalintii Jimcaha ee 19kii bishan September ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku dhacday diyaarad nooca xamuulka ah taas oo saarnaayeen afar qof ayaa laga lahaa dalka Kenya.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *