Maraykanka oo $3 milyan oo dollar madaxiisa dul dhigey hogaamiye kale oo ka tirsan al-Shabaab.

Published: September 14, 2023

Qoraal ka soo baxay Dowladda Mareykanka loo ballan qaadey cid allaale iyo ciddi keenta macuumaad ku saabsan ninka la yiraahdo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir loo yaqaan Cikrama in la siinaayo saddex milyan oo dollar.

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta macluumaad ku hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

“Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago malaayiin ah u dul dhigay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, kaasoo mar kale madaxiisa la dul-dhigay abaalmarin lacageed oo dhan illaa $10 milyan oo dollarka Mareykanka ah.