Maraykanka oo al-Shabaab ku duqeeyey gobolka Baay

Published: August 13, 2023

Diyaaradaha aan Drone-ka ee Maraykanka ayaa duqeyn la beegsadey saldhig Malayshiyaadka al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buula Fuulaay ee gobolka Baay.

Sida ay sheegeen maamulka Koonfur Galbeed, weerarkan waxa uu hordhac u yahay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab kaas oo lagu bartilmaameedsanaayo, saraakiisha iyo xarumaha keydka u ah malayshiyaadka al-Shabaab.

Deegaanka Buula Fuulaay ayaa hoostaga degmada Buurhabaka, waa meel ay ku xooggan yihiin al-Shabaab waxaana halkaas ay ku lahaayeen maxkamad ay dadka qaarkood u xukun doontaan.

Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa kor u qaadey weerarada lala beegsanaayo saldhigyada al-Shabaab, waxaana sidaan oo kale dhawaan duqeymo ka dhaceen gobolada Shabeelada Hoose iyo Hiiraan.

Khasaaraha la gaarsiiyey al-Shabaab ma jirto cid si madaxbanaan uga warantey, marka laga reebo maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in uu ahaa mid lagu guuleystey laguna diley saraakiil sarsare oo ka tirsan al-Shabaab.

gaashaandhigga Maraykanka ayaan weli ka hadlin duqeyntan oo dhacdey maalintii Sabtida.

Horseed Media