Maraykanka oo hakiyey shinado hub ah oo ay u diri lahaayeen Isra’il

Published: May 8, 2024

Mareykanka ayaa todobaadkii hore hakiyay shixnad bambaanooyin ah oo uu u diri lahaa Israa’iil sababo la xiriira walaaca laga qabo sii socoshada qorshaha Israa’iil ee ku aaddan duullaan dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Rafax ee koonfurta Qasa.

Shixnaddan ayaa la sheegayaa in ay tahay tiro badan oo bambaanooyin ah kuwaas oo qaarkood ay ku dhaw yihiin 1000kg. Maraykanka ayaa si weyn Isra’iil gu garab taagnaa dagaalka Qasa kaas oo ay ku bixiyeen dhaqaale, hub iyo weliba bombooyinka culus ee magaalooyinka lagu rogo.

Sida laga soo xigtay khubarada hubka, isticmaalka bambooyinka culeyskoodu gaarayo 1000kg waxay u badan tahay inay gacan ka geysteen dhimashada weyn ee Gaza.

Xogta sheegaysa hakinta shixnadaha hubka ah ee la hakiyey waxay ka timid ilo aan la magacaabin, laakiin heerkoodu sareeyo oo ka tirsan maamulka Biden, sida laga soo xigtay ilaa saddex kamid ah wakaaladaha wararka.

Israa’iil ayaa ku adkeysaneyso in ay ka go’antahay qaadista weerrar dhulka ah oo ay ka fuliso Rafax, oo ay ku suganyihiin dad ka badan hal malyan oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo markii horaba wajahayay xaalad adag oo nololeed.

Iyada oo Xamaas ay oggolaatey hindisaha heshiiska xabbad joojinta, ayaa isra’iil weli diidan tahay heshiiskan, waxaana ay maalintii shalay ay u direen Qaahira koox israailiyiin ah oo heshiiska qiimeyn ku samayneysa.

HORSEED MEDIA