Maraykanka oo qirey in dad rayid ah lagu diley weerar ka dhacay Galguduud

Published: September 10, 2023

War saxaafadeed ka soo baxay taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanku ay daad gureeyeen dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartey weerarkii dhacay maalintii Arbacada ee 6 September, kaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Ceel-lahelay ee gobolka Galguduud.

Maraykanka ayaa sheegay in aysan geysan wax duqeyn ah, goobtaas aysan ku sugneyn, waxaana hawlgalkan fuliyey ciidamada xoogga Soomaaliya, sida lagu sheegay warka AFRICOM.

Taariikhdu markey ahayd Sebtembar 6, 2023, ciidamada qaranka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada ka sameeyay agagaarka Ceel-lahelay, Galguduud. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab, nasiib darro dad rayid ah ayaa lagu dhaawacay, laguna dilay agagaarka howlgalka. Ciidamada Mareykanka goobta kuma sugneyn, mana aysan sameynin duqeymo dhanka cirka ah inta uu socday ama ay taageerayeen howlgalka. Iyadoo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa si ay caafimaad u helaan u daad gureeyay dad shacab ah oo dhaawacyo qaba.

Ugu danbeyn warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri:

Waxaa been abuur ah sheegashada Al Shabaab ee ah in ciidamada Mareykanka ay dhibaato u geysteen dadka rayidka ah.

Ilaa lix qof oo rayid ah ayey waxyeelo kasoo gaartey hawlgal lagu diley saddex horjooge oo al-Shabaab ah maalintii Arbacada.

Horseed Media