Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyey dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada

Published: February 19, 2023
Shares16

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in dalka Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in falalka Ruushka ee Ukraine la eegay caddeymaha.

“waxaa ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” ayey tiri Madaxweyne kuxigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris.

Sidoo kale Harris waxa ay intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Horseed Media