Maraykanka oo sheegay inuu soo riday raxan diyaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay hagayeen Xuutiyiintu

Published: December 16, 2023

Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay ayaa ku soo riday badda cas 14 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kadib markii “Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayni laga soo riday dhulka ay Xuutiyiinta Yemen ka taliso, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka.

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in “ weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” uu soo riday markabka dagaalka USS Carney, mana jiraan wax maraakiib ah oo waxyeelo soo gaartay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah.

Dhanka kale, kooxda maraakiibta Faransiiska ee CMA CGM ayaa sheegtay inay joojinayaan dhammaan shixnadaha konteenarada ee mara badda cas, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo aaggaas marayey.

“Xaaladdu aad ayay uga sii daraysaa, welwelka laga qabo ammaankuna waa sii kordhayaa,” ayay kooxdu tidhi.

Tiro ka mid ah shirkadaha waaweyn ee xamuulka ayaa u sheegay maraakiibtooda inay ka fogaadaan aagga, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee maraakiibta caalamka.

Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa si isdaba joog ah u sheegtay in ay weeraro ku qaadeen bartilmaameedyada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka billowday horraantii Oktoobar. Fallaagada ayaa sheegtay inay beegsan doonaan maraakiib kasta oo u socdaalaysa Israa’iil iyadoon loo eegin halka laga leeyahay, waxayna sheegteen weeraro xiriir ah oo lagu qaaday maraakiib marayay badda cas toddobaadyadii la soo dhaafay.

Horseed Media