Maraykanka oo si adag uga hadley is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiyta

Published: January 19, 2024

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo khudbad ka jeediyey shirka 42aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD ayaa si cad ugu quusgooyey Somaliland iyo Itoobiya kadib markii uu si cad u sheegay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin  qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna tahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Waxaan walaac ka qabnaa waxa ka soo baxay Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Waxaan ku biirnay codkayaga kan gobolka, waxaan u xaqiijinaynaa ixtiraamka aan u hayno madaxbannaanida Soomaaliya, madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerka Midowga Afrika Ayuu yiri Mike Hammer.

Ergeyga ayaa hadalkiisa ku daray “….Sida aynu marar badan ku celcelinnay, Maraykanku waxa uu aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya madaxbannaanida, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed oo ay ku jirto Somaliland….”

Mike Hammer ergayga Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan xaaladda sii xumaaneysa waxaana uu yiri “……Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in ujeeddooyinka kordhay ee ka dhashay is-fahamka (MoU) ay halis gelinayaan dagaalka ay Soomaalidu kula jiraan al-Shabaab kaas oo ay ku weheliyaan dalalka Afrikaiyo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo uu ku jiro Maraykanku….”

Ergayga Maraykanka ayaa hoosta ka xariiqey in is-fahamkan ay ka faa’ideysanayaan al-Shabaab “….Waxaan horey u aragnay calaamado murugo leh oo muujinaya in al-Shabaab ay isticmaalayaan is-afgaradka si ay u qortaan askar cusub Waa muhiim in Itoobiya iyo Soomaaliya ay diiradda saaraan mudnaanta amniga ee la wadaago…..”

Mar kale ayaa Maraykanku ka digey in Itoobiya isku  daydo xaalado degdeg ah oo a abuuri karaan ciidamadeeda hadda ka jooga Soomaaliya.

Waxaan ku boorinaynaa labada dhinacba inay ka fogaadaan falalka degdega ah, oo ay ku jiraan ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya, kuwaas oo u abuuri kara fursado ay Al-shabaab isku fidiso gudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa la dhihi karaa waa hadalkii ugu adkaa ee Maraykanka ka soo baxa tan iyo markii ay bilaamatey faragelinta qaawan ee Itoobiya ku dooneyso in ay ku xalaaleysato dhulka Soomaaliya iyada oo ka faa’ideysanaysa kala qaybsanaanta Soomaalida.

Horseed Media