Maraykanka oo soo saartay sharci cusub oo lagula dagaallamayo muhaajiriinta

Published: February 22, 2023
Shares16

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciqaab adag lagu soo rogi doono dadka magan-gelyo doonka ah ee sida sharci darrada ah uga soo gudba xadka ay la wadagaan dalka Mexico.

Sharci cusub oo lagula dagaallamayo muhaajiriinta aan ogolaanshaha dalkaas kusoo gelin ayaa dhigaya in dib loo tarxiilo iyo weliba in aan la siinin sharciga deganaanshaha dalka Maraykanka.

Xeerkan ayaa lagu wadaa in uu dhaqan gal noqdo bisha May ee sannadkan.

Tan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xadka Mexico buux dhaafiyeen dad ka kala socda Qaaradaha Adduunka kuwaas oo xoog kaga daata deyrka u dhexeeya Mexico iyo Maraykanka.

Horseed Media