Mareykanka: Dhageysiga kiiska Donald Trump oo ka bilaabanaysa maxkamadda

Published: April 3, 2023

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada.

Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda, isagoo khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.

Horseed Media