Mareykanka: Madaxweyne Biden oo markale isku sharxaya doorashada 2024

Published: April 25, 2023
Shares30

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaada ah la filayaa inuu ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad ee 2024-ka.

Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump.

Sidoo kale Biden ayaa noqon doona qofkii ugu da’da weynaa ee xilkan isku soo taaga, isagoo 86 jir noqonaya marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto.

Madaxweyne Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024.

Horseed Media