Mareykanka oo farriin adag u diray Somaliland

Published: March 31, 2023

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan rabshadaha ayna ixtiraamaan xabbad-joojinta.

Bayaan uu soo saaray Mareykanka ayuu uga digay in Rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah si ay u abuuraan xasillooni darro ballaaran oo ay uga sii daraan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee socda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood si xal looga gaaro xiisadda colaadeed ee ka taagan magaaladaasi.

29-kii Maarso, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa la hadlay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ku booriyay inuu kala dhex galo ciidamadiisa iyo kuwa degaanka ee Laascaanood.

Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka SSC ayaa tan iyo bishii December ka socda magaalada Laascaanood.

Horseed Media