Mareykanka oo gacanta ku dhigay Labo kamid ah hogaamiyayaasha Kooxaha Daroogada ee Mexico

Published: July 27, 2024

Ismael “El Mayo” Zambada, oo kamid ah aasaasayaasha kooxda Sinaloa Cartel ee dalka Mexico, ayaa la horgeeyey Maxkamada Maraykanka Jimcihii shalay, kadib markii isaga iyo Joaquin Guzman Lopez oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee kooxdaas “El Chapo” lagu qabtay gobalka Texas, arrintan oo guul weyn u ah Mareykanka oo muddo dheer kooxdan ku raad-joogay.

Ismael “El Mayo” Zambada

Zambada waa mid kamid ah hogaamiyayaasha burcada abaabulan ee ugu saamaynta badan taariikhda Mexico, wuxuuna kamid ahaa aasaasayasha kooxda Sinaloa Cartel oo ay isla dhiseen hogaamiyihii hore El Chapo, kaas oo loo gacan geliyey Maraykanka sanadkii 2017, wuxuuna El Chapo ku xiran yahay dalka Mareykanka isagoo lagu xukumay xabsi daa’im.

Labada hogaamiye ee Sinaloa Cartel ayaa la xiray Khamiistii ka dib markii ay ka dageen Texas, iyagoo raacay diyaarad khaas ah.

Dowlada Mexico ayaa bilowday maanta oo Sabti ah inay ciidamo dheeraad ah u dirto gobalka Sinaloa ee saaran xaduuda dalkaasi la leeyahay Mareykanka.

Maadaama kooxdu ay tahay mid kamid ah kooxaha daroogada adduunka u kala daabula ee ugu awoodda badan Mexico, hogaan la’aanta ka dhalata xadhiga hogaamiyayaashan waxay dhalin kartaa rabshado cusub.

Horseed Media