Mareykanka oo ka digay qabsashada ciidamada Ruushka ee magaalada bari Ukraine ee Bakhmut

Published: March 7, 2023
Shares88

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay haddii ciidamada Ruushka ay ku guulaystaan inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada bari ee Ukraine ee Bakhmut, ay taasi isbeddel ku keeneyso go’aan ka gaaridda colaadda.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in go’aanka Ukraine ee ah in ciidamadiisa dib loogu celiyo galbeedka magaalada uu u arko in uu yahay dib u dhac istaraatiijiyadeed oo ku soo wajahan Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Ukraine waxay si cad u soo jeedisay inay sii wadi doonto difaacida Bakhmut.

Bakhmut ayaa aheyd goob ay socdey dagaallo xoog badan iyadoo Ruushka uu doonayo in uu la wareego gacan ku haynta gobolka Donetsk ee Ukraine.