Mareykanka oo mar kale taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Published: January 31, 2024

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Molly Phee ayaa sheegtay in Mareykanka uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeybqaadaneyso la dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed ayey tiri kaaliyaha xoghayaha.

Kaaliyaha ayaa xustay in uu taageersan yahay wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo ku saabsan in mustaqbalka ay wadaagaan arrimahooda.

Horseed Media