Mareykanka oo Uganda uga digay dhaqangalka sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah

Published: March 23, 2023
Shares52

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dalka Uganda inuu dhaqangalo sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah taas oo ka dhalan karta in uu la kulmi doono cawaaqib xumo dhaqaale.

“Si dhaw ayaan ula soconnaa arrinta, waxaan ku rajo wenahay in aan la ansixin” ayuu yiri afahayeenka golaha qaran ee amniga Mareykanka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa dhigaya in xabsi daa’in lagu xukumi doono dadka la ogaado inay isku jinsi yihiin ee ku nool Uganda, wuxuu sidoo kale farayaa in xukun dil ah lagu ridi karo kiisaska qaar.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedkan balse wuxuu sugayaa in uu meel mariyo madaxweynaha.

Horseed Media