Markab dagaal oo ay Iran leedahay oo qalibmay

Published: July 7, 2024

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Iran oo lagu magacaabo Sahand ayaa ku gadoomay xilli dayactir lagu sameeyay dekedda koonfurta ee Bandar Cabbaas, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay maanta oo Axad ah.

“Markabka Sahand oo uu ku socday dayac-tiray ayaa rogmaday. Nasiib wanaag… markabka waxaa si degdeg ah loogu soo celinayaa isu dheeli tirnaan,” sida lagu yiri war kasoo baxay Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa qoraal ay soo saareen ciidamada badda.

Ma cadda goorta uu shilku dhacay. Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirka markab rogmaday, waxaana la sheegay in dhowr qof oo dhaawacyo fudud qaba loo qaaday isbitaalka.

Horseed Media