Markab laga lee yahay dalka Turliga oo lagu magacaabo Oruc Reis kaas oo ka shaqeeya cilmibaarista…
Markab laga lee yahay dalka Turliga oo lagu magacaabo Oruc Reis kaas oo ka shaqeeya cilmibaarista iyo sahminta shidaalka ayaa maanta oo Jimce ah ku soo xirtey dekadda Muqdisho, halkaas oo lagu qabanaayo xaflad lagu daahfuraayo hawlgalka sahminta shidaalka.
Markabkan ayaa ku shaqeyn doona heshiis bishii Maarso ay kala saxiixdeen Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Sida uu dhigayo heshiiska, Oruc Reis waxa uu sahamin gaar ah ka samayn doonaa saddex baloog oo kala duwan, oo midkiiba dabooli doono dhul dhan 5,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka tirsan biyaha Soomaaliya. Haddii saliid la helo, markabka ayaa awood u leh inuu soo saaro.
Markabka waxa ku qalabaysan shaybaaro lagu sameeyo juquraafiga, geophysics-ka, hydrography, oceanography, iyo cilmi baarista bay’oolajiga, kuwaas oo awood u siinaya habaynta, falanqaynta, iyo qiimaynta xogta la ururiyay. Oruc Reis waxa uu samayn karaa sahan laba-geesood iyo saddex-geesood ah oo qoto dheer oo seismic biyaha furan.
Horseed Media