Markab dagaal ee dowladda Turkigu leedahay oo ku soo xirtey Muqdisho, kadib heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya

Published: April 23, 2024

Markabka Ciidamada Badda ee Turkiga, Kınalıada F514, ayaa maanta oo Salaasa ah soo gaaray Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, taasi oo muujinaysa bilowga heshiis taariikhi ah oo 10-sano ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga bishii February ee sanadkan 2024.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay TCG Kınalıada Corvette. Wuxuu carabka ku adkeeyay iskaashiga istiraatijiyadeed ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadantinimo, amniga, difaaca, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana saxiixey madaxweynaha Soomaaliya, heshiiska ayaa qaadanaya muddo 10 sano ah.

Heshiiska badda ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa yimid iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiis is afgarad ah oo ay wada saxiixdeen Addis Ababa iyo maamulka Somaliland ee sheegtay in ay ka go’een Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah 10-ka waddan ee adduunka ee samayn kara markabkiita dagaalka, ayaa dhisay Kınalıada F514 oo ahaa markabkii afraad ee qaran ee lagu soo saaro mashruuca qaran ee maraakiibta (MILGEM).

Dowladda Turkiga ayaa sheegtey dhawaan in ay bilaabeyso qodista shidaalka ee Soomaaliya, tan oo qayb ka ahayd heshiiska. Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay hodan ku tahay shidaalka, laakiin weli ma noqon mid laga faa’ideystey.

HORSEED MEDIA