Maxaa ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee IGAD?

Published: January 18, 2024
Shares4

Magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan madaxda urur goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo colaadaha ka aloosan dalka Suudaan iyo xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeyb galay madaxda Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Uganda. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, iyo wakiillo ka kala socday Sacuudiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka.

War-murtiyeedka madaxda IGAD waxay walaac xooggan ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxay dib u xaqiijiyeen madax banaanida Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka dhuleed, waxayna ugu baaqeen labada dal inay xiisadda dejiyaan oo furaan wadahadal wax ku ool ah.

Waxaan aad uga walaacsanahay is-bedellada cusub ee ku saabsan xiriirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Shirku wuxuu dib u xaqiijiyay mabaadi’da asaasiga ah ee ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; waa in la ilaaliyo mabaadi’da asaasiga ah ee kor ku xusan, heshiis kasta waa in uu ahaado oggolaanshaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya”

Dhanka Suudaan, madaxdu waxay ku celiyeen baaqyo ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah iyo wadahadal loo dhan yahay si loo soo afjaro colaadda. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in Suudaan ay leeyihiin dhammaan dadka Suudaan, ma aha oo kaliya dhinacyada dagaallamaya. IGAD waxay muujisay inay diyaar u tahay inay fududayso hannaan nabadeed oo loo dhan yahay iyadoo lala kaashanayo AU iyo qaybaha kale ee ay khusayso.

War-murtiyeedka ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista guddiga sare ee Midowga Afrika ee Suudaan, waxaana loogu baaqay inay si dhow ula shaqeyso IGAD fududeynta geeddi-socodka nabadda.

Hogaamiyayaasha IGAD waxay fareen xoghaynta IGAD inay dib u eegis ku samayso qorshaheeda xalinta colaada Sudan muddo bil gudaheed ah, ayna qabato hannaan ay Sudan leedahay oo lagu dhisayo dawlad dimuqraadi ah.

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa lagu muujiyay sida ay IGAD uga go’an tahay in laga faa’ideysto dhammaan siyaabaha lagu xaqiijinayo in xal nabadeed laga gaaro Suudaan. Ururka gobolka ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu u abaabuli doono taageerada caalamiga ah ee geeddi-socodka nabadda ee Suudaan.

Horseed Media