Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Aan Caadiga Ahayn Ee Xukuumadda Puntland?

Published: August 8, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey shir an caadi ahayn oo ku saabsan sidii loo maareyn lahaa deeqaha caalamiga ah iyo mashaarciida laga hirgelinaayo Puntland.

Shirkan aan caadiga ahayn ayaa ka qabsoomey Xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo hormarinta dhaqaalaha ee Puntland, waxaana ka soo qaybgalay in badan oo ka mid ah golaha wasiirada Puntaland iyo la-taliyaasha Madaxweynaha.

Waxaa ka soo baxay in la asaaso Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland ( Puntland Economic Development Council).

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Siciid Faroole oo shirka ka dib saxaafadda la hadley ayaa sheegay in golaha hormarinta dhaqaalaha Puntland uu ka shaqeyn doono hormarinta dhaqaalaha, isku xirka deeqaha caalamka ka yimaada iyo hormarinta maalgashiga. Wasiirka ayaa sheegay in si weyn loo falanqeeyey mashaariicda ka timaada dibadda, gaar ahaan kuwa Baanka Adduunka ee soo mara dowladda federaalka iyo kuwa sida tooska Puntland u hesho ee arrimaha bini’adanimada. Wasiir Faroole ayaa sheegay in Puntland ay bilaabeyso nidaam cusub ee deeqahaas loo maareynaayo.

Shirkan ayaa imaanaya iyada oo Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah aysan wax wada shaqeyn ah lahayn muddo dheer, iyada oo deeqaha Soomaaliya ay hesho ay dowladda federaalku u isiticmaashey hub siyaasadeed, sida Puntland ku eedeysey.

Horseed Media