Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyey hay’adaha…
Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyey hay’adaha ay khuseyso in laga bilaabo 6 Feberaayo oo ahayd maalintii shalay ee Khamiista la xiro xafiiska Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Wasiirka wax faah-faahin ah laguma sheegin sababta loo xirey. Qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa xafiiska loogu yeeray in uu yahay Guddiga Doorashooyinka DFS, inkasta oo magaca guddigu yahay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (National Independent Electoral Commission) kaas oo la dhisey ka hor dowladda hadda jirta.
Horseed Media oo isku daydey in ay hesho sababta loo xirey xafiiska Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Puntland ayaa ogaatey in uu la xiriiro fariin ka baxdey telefishanka Dowladda Puntland kaas oo la xiriirtey arrimaha doorashooyinka Qaranka.
Isla maalintii shalay waxaa xilkii laga qaadey Agaasimihii Telefishanka Puntland Jamaal Carab Yuusuf, waxaana si kumeel-gaar ah xilkaas u sii haynaya ku-xigeenkiisa, Horseed Media uma suurta gelin in ay xaqiijiso in xilka qaadista Agaasimihii PLTV ay la xiriirto fariinta ka baxdey Telefishanka ee Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa deeq bixiyaashu ku siiyaan dhaqaale badan sida Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin dadweynuhu ka qaybqaataan, waxaana ka mid ah shaqooyinkooda wacyi gelin.
GMDQ ayaa xafiisyo ku leh dhamaan DOwlad Goboleedyada dalka.
Xiriirka Puntland iyo Dowladda federaalka ayaa maraya heerkiisi ugu xumaa, waxaana arintan imaaneysa iyada oo dhawaan dalku isu diyaarinayo doorasho aan la aqoon caynka ay noqon doono.
Horseed Media
Waxaan aad uga xumahay in laxiro xafiiskii gudiga doroshaynka mana sheegin sababta ay puntland uxirtay waxaana muqata inaysan jirin sabab loxiray xafiiska
Puntland carqaladda ha deyso DFS, waayo Dawladda federalku waa mustaqbalka dalka iyo dadka ku nool.haddii ay farmaajo diiddan yihiin ha isu sharaxeen xilka.weligeed yaysan xil Nin ku guulaystey daba socone, eeg saacid, Farmaajo, C/weli raysal wasaare iyo farmaajo weyne