Puntland oo xirtay Xafiiskii Gudigga Dooraashooyinka Qaranka

Published: February 6, 2020

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa gebi ahaanba lagu xiray xafiiskii Gudigga Doorashooyinka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku lahaayeen Magaalada Garoowe Caasimada Puntland, Dawlada ayaana amartay in aan wax shaqa ah laga waddi karin ilaa amar danbe.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020. Maamulada Heer degmo iyo Gobol ayaana la faray in wax wada-shaqayn ah aysan la yeelan karin Gudigga Doorashooyinka Heer Federaal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *