Madaxweyne Xasan oo kulan saagootin ah la yeeshay Ergayga Qaramada Midoobay

Published: May 4, 2024
Shares4

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb.Catriona Laing, oo socdaalkeeda shaqo uu soo dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ms. Laing kaalinteeda ku aaddan horumarinta iskaashiga DFS iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada muhiimka ah ee bani’aadamnimada, nabadda, iyo amniga.

Amb.Catriona Laing ayaa sheegtay in kulankan uga wada hadleen Madaxweynaha, taageerada caalamiga ah ee dowlad-dhisidda dalka iyo nabad-dhisidda, oo ay ku jirto kala-guurka amniga ee bixitaanka ciidamada ATMIS iyo horumarrada gobolka.

Horseed Media