Qatar oo ka fekaraysa sii furnaanshaha xafiiska Xamaas ee Doxa

Published: May 4, 2024
Shares30

Qatar ayaa laga yaabaa inay xirto xafiiska siyaasadda ee Xamaas taasoo qeyb ka ah dib u eegis ballaaran oo lagu sameynayo doorkeeda dhexdhexaadinta dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta, sida uu sheegay sarkaal la socda qiimeynta dowladda Qatar.

Dawlada Qatar waxay miisaamaysay inay u ogolaato Xamaas inay sii wado shaqada xafiiska siyaasada, dib u eegista balaadhana waxa ka mid ah inay ka fiirsato inay sii wado dhex dhexaadinta khilaafka todobada bilood ah iyo in kale, sida uu sarkaalku u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Qatar ayaa bishii hore sheegtay inay dib u qiimaynayso doorkeeda dhexdhexaadinta wadahadalada dadban ee Israel iyo Xamaas, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay in dadaalkeeda ay wiiqaan siyaasiyiin doonaya inay dhibco helaan.

Warbixin uu Jimcihii soo saaray Wargeyska [The Washington Post] ayaa soo xigtay sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin, isagoo sheegay in Mareykanka u sheegay Qatar inay ka saarto dalkeeda Xamaas haddii ay kooxdu sii waddo diidmada heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Qaahira ee Masar, si ay u xoojiyaan wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada xabbad-joojinta Gaza taasoo keeni karta siideynta la-heystayaasha Israa’iil oo ay kooxda qafaalatay 7dii Oktoober, sida uu sarkaal Xamaas ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Horseed Media