Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay Sayid-Cali

Published: May 15, 2024

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa Axaddii soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan, waxaana hore Maxkamadda gobolka Banaadir ay lixdii Maarso dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay racfaan ka qaateen qareennadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed oo daliishanaya caddaymaha kiiskan iyo aayadaha kusoo arooray dilka bareerka ah ee uu geysto qofka qaan gaarka ah ayaa ku dhowaaqay go’aanka Maxkamadda oo ah in dil toogasho ah lagu fuliyo Sayid Cali kaas oo ah qisaasta Allaha u naxariistee Luul Cabdi Casiis.

Horseed Media