Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntey nin ka tirsanaa al-Shabaab

Published: September 13, 2023

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa al-Shabaab, kuna eedeysnaa in uu dil u geystey nin sarkaal ah.

Maxkamadda ayaa ku xukuntey Xamse Jeylaani in uu u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow-bacaad ee gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cusmaan Cali, kadib markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca dhejiska ah.

Xamsa oo ah 23 jir kana soo jeeda degmada Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto intaysan shaqaaleysiin ururka al-Shabaab, waxaana uu ku nolaan jirey a guriga taliyaha uu diley ee magaalada Marka, maaddaama ay qaraabo ahaayeen.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa Jeylaani , waxanay maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta oo Arbaca ah ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.

Horseed Media