Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal ka geysatay Magaalada Muqdisho

Published: March 13, 2023

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun toogasho ah ku fulisay labo askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo dilal u kala geystay askari kale oo ay wadashaqeynayeen iyo qof shacab ah.

Askartan ayaa kala ahaa Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud oo horey u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.

Heerarka kala duwan ee xukunnada Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayuu kiiskooda soo maray waxaana ugu dambeyn maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho si loosoo afjaro kiiskaan muddada furnaa.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka & Dad ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-shabaab kuwaas oo geystay dilal iyo qaraxyo, qaarkood ayaa la toogtay halka qaar kale ay yihiin xukun sugayaal.

Horseed Media